Xaldoon
Waxaan caawa hor dhigayaa bulshada soomaaliyeed xujooyin iyo suaalo xaldoon ah xaajada si ay u falanto bal soo dhowaada saaxibayaal
Anigoo soo xiganaaya doodaha dastuurka la xariira ee dhanka wax ka bedelka
Dhalinyaro anigo dhihi maayo wax ka bedel ee waxaan dhahayaa sixid , dabcan wax qaldan baa la saxaa ( ama laga fiican yahay ) hadaba
1:ma waxaa jira dal madaxweyne iyo rasiisul-wasaare leh?
2: ma waxaa jira dal 40 musharax ay xukunka ku tartamaan
3 :ma waxaa jira dal dadkiisa neceb yihiin iney ayaga madaxdooda doortan?
jawaabta idinka ayaan iidn dhafaa balse
Maxaa dunida kajira marka laga hadlaayo
.siyaasada iyo maamulka dalalka qarada Amerikada waxaa inta badan lagu daydaa USA oo ah wadan federal ah sida soomaaliya ( waxaa la dhihi karaa waa kan mid ka soomaliya laga soo alifay balse maya).waxaa ka jira nidaam doorasho nidaamka codka shacabka xisbiyada badan( mulit-part democracy system) keliya waxaa tartama labo xisbi , Awoodaha dowlada waa madaxweyne iyo ku-xigeen ( presidential system)
.Siyaasada iyo maamul ka awooda dalalka yurub dhaca waxaa hogaamiye taariikh iyo dowlad ahaanba UK waxaa lagu tiriyaa wadamada uu ka jiro nidaamka codka shacabka ee xisbiyada badan hadana keliya waa labo xisbi, Awoodaha dowlada waxaa ugu sareeya Raiisul-wasaaraha(Parliamentary system)
.Dhanka dalalka bariga waxaa ka jira inta badan xukunka boqortooyada qaar aa keli-talis balse waxaan markan tusaale cad u qaadan karnaa malaysia dhanka nidaamka ay isticmalaan oo kan soomaliya shabaha balse kooda waa isbaheysi ku dhisan qoomiyado (bicameral parliament,president and prime minister ) Tani waxay muujineysaa in soomaliya tijaabisay nidaam maamul oo aan aragti fiican laga heysan ama daruufi qasabtay( not will but necessarily taken).
.Boqortooyo maldahan ayaa soo bilaabatay qarnigi 20aad ama cuqaasha qarsoon waxaan dhihi karnaa Tani maaha wax hada lagu dabaqi karo dowladnimada casriga ah,
.qaarada afrika caadiyan waxaa jira xukun isku heysad iyo qaacido aad isleedahay keligiitalis ma afrika ayaa loogu tala galay , balse dhamaan ma lagu cabiri karo baahiyaha soomaliya heysta iyo nooca dowladnimo ee la rabo in lagu dhaqmo iyo sida hada wax yihiin , markan waxaan tusaale usoo qaadanayaa laba dal ee deriska Nala ah Kenya iyo Ethiopia waxaan rajeynaa inaad ogtihiin sababta aan usoo qaaatay wadamadaas mid waa nidaamka codka shacabka ee xisbiyada badan (multiparty with presidential system) keliya leh madaxweyne iyo ku-xigeen halka mid ka kalena Awood ahaan yahay dal awooda ugu sareysa uu Ra’iisul-wasaraha lee yahay waana keliga labo xisbi iyo xukun wareeg aan la hubin , tan waxaan dhihi karnaa soomaliya waxay iska shabahaan maamul goboleedyada iyo federalka. Balse labada midna isku maamul ma Nihin siyaasada ahaan.
Hadaba makula tahay in la gaaray xiligii saxitaan la sameyn lahaa ?
sax waaye
ReplyDelete