Jowhar (villagio duca) (place of prosperity) (gooobtii barwaaqada) Jowhar waxaa aas aasay beeraaleey ka socotay boqortooyadii Saafooy, beeraaleeydaas waxaa ugu caansanaa Luigi Amedeo, Duke of the Abruzzi, kaasoo yimid Soomaaliya 1873 wuuna ka helay deegaan ahaan. Duke wuxuu guda galay dhismaha, jidad, iyo dhabba tariin, iskoollo, isbitaallo, iyo dhismo masaajid ay dadka deegaanka ka codsadeen. Wuxuuna guursaday haweeneey soomaaliyeed kadibna halkaas ayuu ku geeriyooday. 1920kii Villaggio Duca degli Abruzzi u aheed deegaan dhul beereed ah, 1926dii waxa ay magaalada ahayd 16 xaafadood oo ay daganyihiin 3000 Soomaali 200 talyaani. waxaa bartamaha magaalada jowhar mara webiga shabelle oo kala qeybiya 4afarta xaafadood ee jowhar uu ka kooban yahay kuwaasi oo kala ah horseed iyo buulasheikh oo dhanka bari ee magaalada jowhar xiga iyo kulmis iyo hantiwadaag oo iyana ah xaafadaha galbeed uga beegan magaalada jowhar Magaalada waxay soo noqatay xaruta Dawladda kumeelgaarka ah ee sooma...
Comments
Post a Comment