Ayadii miyaa?
Waxaan is aragnay gabar aan isku da'aad nahay Waan kaftanay, waxaa I cajabiyey qosolkeeda iyo Hadal wanaaga dhoola cadeynta wata, markaan cabaar wada joognay ayaa lagaaray xiligaan kala tagi lageyn waxaana ka codsaday iney meelaan kala soo hadlo iisheegto(NUMBER) waxayna si kaftan ah ii tiri aniga ayaaba ku weydiin rabay su'aashaas ee markaad bixi rabto la sugaayey ee war iyo dbamaantiis hada telfoonkaaga keen kuu qoree nambarkeyga? Waxaan dhahay abaayo xaafad uga imaaday Lakin markaas mobile malaheyn📱 ee ayadaan niyada ugu dhisaayey,waxay tiri dhib maleh aboowe ee keyga qoro weyna iisheegta Ana waxaan ku qortay gacanta, waxaan tagay gurigeena waxaana ku dhahay dhamaan dadka xaafada joogey waa in telfon laiigadaa ileen waxaan ahay nin naag lasoo balamtaye bil kadib waxaan qeyliyaba waxaa ley gaday telfon nambarkii ugu horeeyey aan seefto wuxuu ahaa keeda iska markiiba waan wacay waxaana usheegey inan ahay wiilkii malintii waxayna igu tiri aboowe mashquul ahee caawa isoo wac.
Intee qoraxdu dhaceyso ma sugi karo oo marba waxaan fiirinayaa saacada wax kasta wey iska soo dhamaadeen waxaana la gaaray habeenkii waan wacay weyna iga qabatay magaceyga ayaan markale ugu celiyey waana isu sharaxay meeshaan aniga iyo ayada isku baranay waxayna igu tiri aboowe kuma aqaano ee kawaran hadaan hada si toos ah isu barano waxaan dhahay waa hagaag ee soo dhowow dan iyo xaajo sifiican ayaan isu baranay weyna isoo dhoweysay waxaana si iska walaltinimo ah u wada hadleyney mudo bil ah.
Waxaa I galay damac oo gabartii waan jeclaaday waxaana u diyaar garoobey inan usheegto Labo maalmood oo aan kaftan iska duur-xul ah kula hadlaayey oo wax u sarbeebaayo ayey igu tiri nio kawaran hadaan xiriir yeelanao oo noqono dad ka wada tashada mustaqbalkooda waxaana ugu jawaabay waaba taa muddo badan geed gaaban iyo mid dheerba u koray ee ♥ soo dhowow anoo faraxsan ayaan intaas iri waxay tiri waankaa hayaa laab wanaaga iyo sida aad iiga ajiibtay codsigeyga.
Intaas kadib waxaa bilaabtay wada sheekeysi(haasaawe) waqtiga iyo maalmuhu kala duwan kalana wanaagsane waxaan galnay xili aan gaarney inan nafta isu hurno oo xili kasta Isi soo wacno oo aanu dadka kale u muujino inan isku qanacsan nahay oo nacabku ku wiyirsadaan(ka naxaan) " dad allow jaceylkeygu dibin daabya uma baahna"
Alx waxaan isla gaarnay isfahan kii ugu fiicnaa waxaana bilaabnay diyaarinta qorshe cusub oo mustaqbalka lagu wajahaayo madaama muddo 4 sano wada socono(xiriir lee nahay) waaana isku fahanay arinkaas markaan damacnay inan noqono dad intii hore isaga dhow ayaa waxay la imaaday qorshayaal cusb iyo xanaaq tira badan wax kasta eyes dalbato waan u aqbalaa xitaa hadii aan isqabano inigoo dareemaaya iney foodo wado ayaan dhahaa raali noqo gacaliao "waxaan guudka saartaa eed anan wali galin bal inan lakala go'in" 1 sano camal ayaan saas ku sii wada joogney.
Intaas hawsha kuma sii e kaan ee waxay bilaabtay iney diido wax kasta oo aniga xageyga aan u arko wanaag oo ay dhahdo "macan waa laga fiican yahah" isla waqtigiiba waxaan bilaabay inan ayada u tanaasulo markasta inta guurka laga gaaraayo waxaana aaminay in hadii aan is guursano saan wax iska badalayaan madaama aan noqon doono ninkeeda.
Waxaan helay shaqo oo waxaan noqday wiil isku filan waxaana go'aan saday in aan soo gabo gabeeyo arintaba waxaana dhahay macan kawaran hadaan arinta iska soo afjarno oo lamaane dhaba noqnon waxay tiri "ma xuma ee aan ka heshiino" waxaan dhahay haye qaali nolosheyda tahay waxba isla waayi meyno, waxaan sii guda galnay arintii anagoi wada hadleyna ayaan weydiiyey wax shuruudaha ah maa jiraan? Waxay iigu jawaabtay "Haa oo waxay ila tahay in guurka dhan ba laga fiican yahay" intaan dhinac uga durkay ayaan fekeray waxaana si hoose u dhahay ma aaminsani iney ayadii tahay.
W/Q Abdiasis mohamoud Adam
Sxᴘ ᴍᴄɴᴇ ɴᴏʟᴀsʜᴀ ᴀʏᴀᴀʙᴀ ɪs ʙᴀᴅᴀʟ ᴋᴜ sᴀʟᴇᴇsᴀɴ ᴍɪᴅᴇᴇᴅᴀ ᴋʟᴇ ᴡᴀxᴀʙᴀ ǫᴀʟᴀᴅ ᴀʜ ɪɴᴀᴀ ɴɪʏᴅᴅᴀ ɪsᴋᴀ ᴅʜᴀʜᴅᴏ ᴀʀᴏᴏs ɴᴀᴀɢ ᴀᴀᴅ ʙᴀɴᴀɴᴋᴀ ɪsᴋᴜ ғᴀʜᴍɪ ᴡᴇsᴇɴ ɪɴᴋᴀsᴛᴏᴏ ᴊᴀᴄᴇᴇʟ ᴊɪʀᴏ ʜᴀᴅᴀɴᴀ ᴡᴀxᴀ ᴋᴀ ᴡᴇʏɴ ᴄᴀʟᴀғ😭
ReplyDeletesᴀᴍɪʀ sxᴘ ᴏᴏ ɴɪʏᴅᴅᴀ ǫᴇᴇʀ ᴜ sʜᴇɢ😭💉❤️
Haye boss
DeleteNin sokufay uma xumid funny boy
ReplyDeleteMaahmaah hore ayaa waxee dhaheysay dad iyo duur/howd wax aadan ogayn kafilo
ReplyDeleteLkn nolosha aadamuhu ayaaba ah in qofkaste uu dooq leeyahy la'yaab maleh waa iska xaal aduunyo
Iska dulqaado Bro mid ayada ka wanaagsan ayaa heleysaa I.a😭😭
waa arin adag
ReplyDelete