Maxaad ka taqaan magalada jowhar?
Jowhar (villagio duca) (place of prosperity) (gooobtii barwaaqada)
Jowhar waxaa aas aasay beeraaleey ka socotay boqortooyadii Saafooy, beeraaleeydaas waxaa ugu caansanaa Luigi Amedeo, Duke of the Abruzzi, kaasoo yimid Soomaaliya 1873 wuuna ka helay deegaan ahaan. Duke wuxuu guda galay dhismaha, jidad, iyo dhabba tariin, iskoollo, isbitaallo, iyo dhismo masaajid ay dadka deegaanka ka codsadeen. Wuxuuna guursaday haweeneey soomaaliyeed kadibna halkaas ayuu ku geeriyooday.
1920kii Villaggio Duca degli Abruzzi u aheed deegaan dhul beereed ah, 1926dii waxa ay magaalada ahayd 16 xaafadood oo ay daganyihiin 3000 Soomaali 200 talyaani. waxaa bartamaha magaalada jowhar mara webiga shabelle oo kala qeybiya 4afarta xaafadood ee jowhar uu ka kooban yahay kuwaasi oo kala ah horseed iyo buulasheikh oo dhanka bari ee magaalada jowhar xiga iyo kulmis iyo hantiwadaag oo iyana ah xaafadaha galbeed uga beegan magaalada jowhar
Magaalada waxay soo noqatay xaruta Dawladda kumeelgaarka ah ee soomaaliya xiligii xukuumadii cali maxamed geedi iyo madaxweynihii cabdullaahi yuusuf, waxaana ka talinayay xiligaa hogaamiyihii koofurta maxamed dheere oo kusoo dhaweeyay dowladii habawga aheed ee kiinya lagusoo dhisay. waxaana magaalada ka qabsaday midoowgi Midowga Maxkamadaha Islaamiga 2006dii bishii diseember.Magaalada Jowhar waxay u jirtaa caasimada muqdisho 90KM. waxaana magaalada dhex mara wadada weyn ee kasoo baxda magaala muqdisho ee isku xitra gobolada dhexe ee wadanka.Waxaa ay leedahay garoon diyaaradeed oo caalami ah, waxaana markeeda hore isticmaali jiray dowladihii dhexe ee siyaad bare, waxey garoonkaas ku taalaa woqooyiga magaalada jowhar.Waxaa kale oo magaalada ku taalo warshaddii weyneed oo soo saari jirtay sonkorta iyo warshaddii barafuunka iyo warshaddii suufka sameynjirtay.Jowhar waxee ku taalaa dhul beereed aad u baaxad weyn.Magaalada waxay caan ku tahay beeraha iyo xoolaha.
Dadka hada ku nool jowhar 99% waa soomaali walow ay jiraan dad asalkoodii kasoo jeeda talyaani oo ku milmay dadka deegaan kaas
: qaybaha jowhar
Horseed
hantiwadag
kulmis
buulo shiiq
Jowhar wax hala barto
ReplyDeleteNice historical
ReplyDelete