Maxaad ka ta qaan Beledweyne
Beledweyne Baladweyne waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka ugu caansan ee dalka Soomaaliya , waxa ay ku taalaa Bartamaha dalka magaalo madaxda Gobolka hiiraan, iyadoo uu soo maro webiga Shabeelle ee ka yimaada dhanka dalka itoobiya, waxa ayna u jirtaa caasimadda Muqdisho 206 Mile , oo u dhiganta ( 335 km) waxa ay u qeybsantaa afar xaafadood oo kala ah October ( Buundo-weyn), Howlwadaag,Kooshin iyo Xaawa –taako ,waxaa dhexmara webiga Shabeelle, dadka degan waxaa lagu qiyaasaa hal milyan iyo bar ruux , waa Magaalada Labaad ee ugu dadka badan dalka Soomaaliya marka laga soo tago Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka , iyadoo sidoo kale ah Magaalada Seddexaad ee ugu bed-weyn (dhul-weyn) dalka .inta badan waxaa ladhahaa gobolk...